Roberto Firmino Iyo Christian Benteke Oo Uu Shaki Wayni Ku Jiro In Ay Taam Unoqon Doonaan Kulanka Liverpool Ay Anfield Ku Soo Dhawayn Doonto Tottenham
Roberto Firmino iyo Christian Benteke ayaa seegay tababarkii maanta ee kooxda Liverpool, waxaana jira shaki wayn oo ah in ayna taam buuxa u noqon doonin kulanka ay Liverpool sabtida Anfield ku soo dhawayn doonto kooxda Tottenham.Roberto Firmino oo qaab ciyaareed fiican ku jiray ayaa dhaawac muraqa ah ku seegay kulamadii ay Brazil ka soo ciyaartay isreeb reebka koobka aduunka, wuxuuna maanta seegay tababarkii kooxdiisa Reds ee melwood.
Roberto Firmino oo saddex gool ka soo dhaliyay afartiisii kulan ee ugu danbeeyay Reds ayaa seegay kulankii ay Liverpool guuldaradu ka soo gaadhay kooxda Southamtpon ee ka hor kulamadii caalamiga ahaa ee qaramada aduunka , wuxuuna dhaawucu ka soo gaadhay kulankii lugtii labaad ee Europa Leaque ee ay Reds barbaraha la soo gashay Man United.

Dhinaca kale Christian Benteke ayaa ka maqnaa tababarkii maanta ee kooxda Jurgen Klopp, wuxuuna Benteke xili hore ka soo laabtay xulka qarankiisa Beligium iyada oo laga daaweeyay dhaawac jilibka ka soo gaadhay. laakiin Divock Origi oo ka soo ciyaaray isla xulka qaranka Beligum ayaa tababarkii maanta ee Melwood ka qayb galay, wuxuuna diyaar u yahay kulanka Tottenham.

Waxa kale oo war fiican Liverpool u ah in Philippe Coutinho uu qayb ka ahaa tababarkii maanta ee kooxda Liverpool kadib markii uu ka soo laabtay kulamadii xulka qarankiisa Brazil, wuxuuna Coutinho soo galay safar dheer oo ahaa 6,300 miles laakiin waxa uu tababarka u qaatay si caadi ah.
Waxaa sidoo kale Liverpool u soo laabtay Alberto Moreno oo seegay kulamadii Man United iyo Southampton, waxaana kulanka Tottenham diyaar u ah kabtan ku xigeenka Liverpool ee James Milner kaas oo soo dhamaystay ganaaxii uu ku seegay kulankii Saints. Waxa kale oo shaxda Klopp dib ugu soo laaban kara Jordan Henderson kaas oo kulankii Southampton shaxda Reds ku seegay xumad haysay.
Kommentarer
Legg inn en kommentar