Hordhac: Liverpool v Borussia Dortmund – Lugtii Labaad ‘Jurgen Klopp derby’ Oo Anfield Ka Dhaceysa Caawa – Ayaa U Soo Bixi Doona Semi-finalka Europa League
Liverpool v Borussia Dortmund
Lugta labaad ee wareega 8da Europa League
Lugtii hore: Borussia Dortmund 1-1 Liverpool
Garoonka: Anfield
Waqtiga: 10:05pm Saacada Geeska Afrika
Garsoore: Cuneyt Cakir (Turkey)
Lugta labaad ee ‘Jurgen Klopp derby’ ayaa ku bilaabaneysaa iyadoo ay kooxaha siman yihiin, inkastoo goolka martida ee ay isbuucii hore ka soo heshay Liverpool kooxda Dortmund ay faa’ido u tahay macalinkoodii hore Jurgen Klopp.
Labada kooxood ayaa mar kale ku dagaalamaya garoonka Anfield caawa, iyadoo lugtii hore ee Signal Iduna Park ay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah. Divock Origi ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool ka hor inta uusan Mats Hummels ciyaarta barbaro uga dhigin kooxdii martida loo ahaa.
Heesta You Will Never Walk Alone oo qabsatay Iduna Park isbuucii hore oo ay isla qaadeen jamaahiirtii labada kooxood ayaa caawa iyadana la filayaa inaan ku celiskeeda goob joog u noqon doono, balse su’aasha ugu weyn ayaa ah, kooxdee u soo gudbi doonta wareega afar dhamaadka Europa League?
MAXAA KA CUSUB?
Kooxda Liverpool waxaa hareeyay dhaawacyo ka hor kulanka caawa, waxaa dhaawac kaga maqnaanaya inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kabtankooda Henderson kaasoo jilibka ka dhaawacmay lugtii hore ee Dortmund, waxaa sidoo kale iyadana dhaawacyo jilibka ah ku maqan Benteke, Gomez iyo Danny Ings, halka Rossiter uu la ildaran yahay dhaawac muruqa ah.
Moreno, Lovren, Clyne, Coutinho iyo Firmino ayaa seegi doona lugta hore ee wareega afar dhamaadka haddii ay jaale qaataan caawa.
Dhanka kooxda Dortmund waxaa kaliya dhaawac kaga maqan Subotic oo garabka ka xanuunsan, halka Bender iyo Sokratis ay seegi doonaan lugta hore ee wareega afar dhamaadka haddii ay jaale qaataan caawa.
SHAXDA MACQUULKA AH:
Liverpool: Mignolet; Clyne, Lovren, Sakho, Moreno; Allen, Can, Milner; Lallana, Coutinho; Origi.
Dortmund: Weidenfeller; Piszczek, Hummels, Sokratis, Schmelzer; Weigl, Gündogan, Mkhitaryan, Castro, Reus; Aubameyang.
Kulamada kale ee caawa la ciyaarayo wareega 8da Europa League, kooxda difaacaneysa koobka ee Sevilla ayaa qarka u saaran inay u soo gudubto semi-finalka marka ay caawa martigelinayaan kooxda Athletic Bilbao, iyadoo Sevilla ay 2-1 ku soo badisay kulankii lugta hore ee San Mames.
Shakhtar Donestk ayaa xaalad la mid ah tan Sevilla ku jirta iyagoo caawa martigelinaya Braga, madaama ay lugtii hore ku soo badiyeen 2-1. Ugu danbeyn kooxaha Villarreal iyo Sparta Prague ayaa isku arki doona dalka Czech iyadoo lugtii hore ee Spain ka dhacday ay Villarreal ku badisay 2-1.
wixii dheeraad eh oo ku saabsan Ciyaartaan kala soco pagekaan
Waxa qoray: Abdirisaq Abukar
Kommentarer
Legg inn en kommentar