Real Madrid Oo Camp Nou Ku Soo Garaacday Barcelona, Karim Benzema Iyo Cristiano Ronaldo Oo Guul Soo Laabsho Ah Ku Hogaamiyay Los Blancos, Rekoodhkii Guuldaro La’aanta Ee Barcelona Oo La Soo Gabagabeeyay Iyo Zidane Oo Clasico-da Guul Ku Furtay
Waxaa Qoray: Mohamoud Batalaale
Taariikh: 2-Apr-16
Real Madrid ayaa guul soo laabsho ah ku soo gaadhay Camp Nou kadib markii gool uu Pique dhaliyay uu Benzema kansalay laakiin Cristiano Ronaldo ayaa aduunka tusay in uu wali yahay ciyaartoy go’aanmin kara kulanka Clasico-da wuxuuna Los Blancos u horseeday guul muhiim ah. Guuladarada Barcelona soo gaadhay ayaa soo gabagabaysay 39 kulan oo ayna wax guuldaro ah soo arkin. Waa kulankii ugu horeeyay ee ay BBC shaxda Madrid kuwada bilawdeen oo ay Real Madrid guul ka gaadhay Barcelona. BBC ayaa qariyay wacdarihii xili ciyaareedkan ee MSN, wuxuuuna caawa dabaal degu ka soconayaa caasimada Spain ee Madrid si ka duwan kulankii horaantii xili ciyaareedkan.Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaysay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid, waxayna labada kooxood ciyaarayeen kulankoodii 231 aad ee Clasico-da.d u tarmayaan saddexda dhibcood ee Camp Nou yaala kadib markii ay Barcelona ay kulankii hore ee Bernabeu ay 4:0 ku soo qaadatay saddexdii dhibcood ee Bernabue yaalay.Real Madrid ayaa Barcelona soo booqatay iyada 10 dhibcood ka danbaysay, waxaana kulankiisii ugu horeeyay ee Clasico-da isaga oo tababaraha Madrid ah kulankan Madrid maamulayay Zidane.
Dhinaca Madrid sidii layska fahansanaa Zidane ayaa goolkiisa ku soo bilaabay Keylor Navas, waxaana afarta difaaca ah kuwada bilawday Carvajal, Pepe, Ramos iyo Marcelo waxaana booska burburiyaha ku bilawday Casemiro waxaana khakda dhexda kaga hor ciyaarayay Modric iyo Kroos. Sidii la filayay Bale, Ronaldo iyo Benzema ayaa safka weerarka ku wada bilawday.Ka hor intii ayna ciyaartu bilaamin ayaa xus loo sameeyay Johan Cruyff.
warbixin dheeraad oo ku sabsan kulankaan, iyo see wax u dheceen kala soco mar dhow pagekaan.
La Wadaag Asxaabtaada:


Kommentarer
Legg inn en kommentar