“Dhamaan Kooxaha Waa Weyn Marka Laga Reebo Man City Waxay Isku Dilayaan Saxiixa Zlatan Ibrahimovic” Sidaasi Waxaa Kashifay Wakiilkiisa
Wakiilkiisa weeraryahanka kooxda PSG ee Zlatan Ibrahimovic oo lagu magacaabo Manio Riola ayaa sheegay in dhamaan kooxaha ingiriiska ay xiiseynayaan saxiixa weeraryahanka uu wakiilka uu u yahay marka laga reebo kooxda Man City.
Zlatan uu qandaraaskiisa dhacayo xagaagan ayaa ah xidig magac sare ku leh kubada cagta waxaana xiiseynaya inta badan kooxaha heerarka dhexe ee horyaalada waa weyn ee qaarada yurub halka dhanka ingiriiska la sheegay iney doonayaan kooxaha waa weyn ee Chelsea, Arsenal iyo Man United.
“Marka laga reebo Man City oo uu maamuli doono Pep Guardiola dhamaan kooxaha waa weyn waxay doonayaan saxiixa Zlatan, waxyana garaacayaan albaab kasta si ay u helaan”.
Wakiil Riola ayaa diiday aragtida ah in Zlatan yahay nin da’ah sidaasi darteedna aan lagu qamaari karin wuxuuna yiri “Waxaan aragnaa sida uu marwaliba u ciyaarayo, wuxuu awood u leeyahay inuu sii ciyaaro ilaa 40 sano uu ka gaaro”.
Kommentarer
Legg inn en kommentar